Wararka
Madaxweyne farmaajo oo kulan la qaatay dhigiisa dalak Jabuuti.
Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah shalay galankii danbe ugu ambabaxay dalka Jabuuti ayaa maanta kulan la qaatay dhigiisa dalka jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa ay labadaan masuul kawada hadleen arrimaha gobolka xoojinta xiriirka iyo wax wada qabsiga labada dowladood waxaana kulanka ka warbixiyay Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan.
Sidoo kale waxaa dhankiisa kulanka ka hadklay wasiirka arrimaha dibadda dalka Jabuuti waxaa uuna sheegay in Soomaaliya iyo Jabuuti ay yihiin laba dal oo walaala ah oo aan iska maarmeenin marka laga hadlaayo arrimaha masiiriga ah isagoo u hambalyeeyay madaxweynaha Dowlada federaalka Soomaaliya Mohamed C/llahi farmaajo.
Dowlada Jabuuti ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha Soomaaliya ka gacan siiya dhismaha ciidamada iyo sugidda qar kamid ah gobolada dalka iyagoo lagu xasuusta doorkii ay ka qaateen isku-keenidii siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee shirkii Carto sanadkii 2000.