Wararka

Qunsulka Safarada Soomaaliya ee South Africa oo ka warbixiyay Boob shalay loogaystay Ganacsato Soomaaliyeed.

Qunsulka Safarada Soomaaliya ee South Africa Ali Bagadi ayaa booqday ganacsatadii hantidooda lagu boobay Magaalada Soweto ee dalkaasi South Africa waxaa uuna ka warbixiyay khasaaraha ka dhashay boobkaas.

Ali Bagadi ayaa sheegay in wax qasaara nafeed ama dhaawac ah oo soogaaray muwaadiniinta Soomaalida aysan jirin balse Boob loogaystay ilaa Shan dukaan kuwaas oo lawada aruursaday wixii yaalay oo dhan.

Boobkaan ayaa soo bilawday maalinnimadii arbacada isagoo ku fiday Magaalada Soweto oo dhan waxaana dukaamadaq la dhacay isugu jireen kuwa ay leeyihiin muwaadiniin Soomaaliyeed iyo Itoobiyaan.

Qunsulka Safarada Soomaaliya ee South Africa ayaa sheegay in Masuuliyiinta dowlada South Africa ay lasoo xariireen ayna usheegeen in dhacdadaasi ay aad ugu xunyihiin iyagoo balan qaaday in aysan dib u soo laaban doonin dhacda taa oo kale ah.

Dalka South Africa ayaa waxaa dhac iyo dil loogu gaystaa Muwaadiniinta dalalka kala kasoo jeeda ee Ganacsiga ku leh South Africa oo ay kamidka yihiin Soomaalida ganacsiga ku leh dalkaas.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close