Wararka

Safiirka Cusub ee dowlada Soomaaliya u magaacawday dalka Hindia oo gaaray dalkaasi.

Magaalada New Delhi ee caasimada dalka Hindia, waxaa Maanta gaaray Danjiraha cusub ee Soomaaliya u magaacawday dalka Hindia Ambassador Faaduma C/llahi Insaaniya waxaana halkaa loogu sameeyay Soodhaweyn diiran.

Munaasabadda Soodhaweynta Safiirka cuub ee dowladda Federaalka ay u magacaawday dalkaasi Hindiya waxaa ka qayb galay Qaar ka mid ah Madaxda iyo Dibolomaasiyiinta dalka Hindiya, diblamaasiyiinta safaaradda Soomaalida iyo jaaliyada Soomaaliyed ee dalkaasi.

Ambassador Faaduma C/llahi Insaaniya oo ka hadashay kulankii soo dhoweynta ee loosameeyay  ayaa ugu mahadcelisay madaxda dalka Hindiya iyo diblamaasiyiinta iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee ku sugan halkaasi sida diiran ee u soo dhaweeyeen.

Siihayaha safaaradda ahna Qunsulka Guud ee safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Hindiya, Axmed Maxamuud Maxamed oo isna kulanka soo dhoweynta ka hadlay ayaa ka warbixiyay howlaha shaqo u qabsoomay safaaradda iyo qorshaha waxqabad ee horyaala.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close