Wararka
Maxkamada dalka Gabon oo shaacisay xiliga la dhagaysan doona Kiiska barista Caafimaad ee madaxweynaha dalkaasi Gabon.
Maxkamad ku taala dalka Gabon ayaa dhowaan dhagaysan doonta codsi ku aadan madaxweynaha dalkaasi Ali Bongo taas oo ah in la mariyo tijaabooyin caafimaad si loo caddeeyo inuu taam u yahay xukunka dalkaasi ka dib markii uu ku dhacay cudurka istaroog sanadkii hore, sida ay ka dhawaajiyeen qareennada dalkaasi.
Kiiskan ayaa waxa dhageysan doona maxkamada rafcaanka ee magaalada Libreville ee dalkaasi Gabon laga bilaabo 26-ka Agoosto ee sanadkan.
Bishii Maarso ee aynu ka soo gudubnay,10 xubnood oo ka tirsan mucaaradka siyaasadeed ee dalkaasi Gabon IYO bulshada rayidka ah ayaa gudbiyay dacwad ay ku codsanayaan in madaxweyne Bongo la qiimeeyo xaaladiisa caafimaad si loo arko inuu caafimaad ahaan taam yahay inuu sii jogo xafiiska.
Qareenka u dodaya madaxweynaha dalkaasi Ali Bongo ayaa sheegay in kiiskan uu yahay mid sharci daro ah islamarkana madaxweyne joga xafiska aan laga gudbi Karin kiis noocan ah sidoo kalena ay baal marsan tahay sharciga u yaala dalkaasi.