Wararka
Rag ka tirsan Al-shabaab oo isu-soo dhiibay ciidamada Amaanka ee Af-Madoow.
laba kamid ah kooxda Al-shabaab ayaa maanta isu-soo dhiibay ciidamada Amaanka Degmada Af-Madoow ee maamul goboledka Jubbaland.
Raggaan oo lagu kala magacaabo Geedi Maxamed Cali iyo Cabdi Casiis Maxamed Muxumed ayaa in muddo ah ka tirsanaa Al-shabaab waxaa ayna saakay isu-soo dhiibeen ciidamada Amaanka Degmada Af-Madoow iyagoo saacada u’n kala danbeyay.
Geedi Maxamed Cali oo katirsanaa Al-shabaab ayaa kamid ahaa kooxda Jabhadaha oo kamid halka Cabdi Casiis Maxamed Muxumed oo looyaqiinay (Iidle) isna ka tirsanaa kooxda waqti dheer.