Wararka
Madaxweynaha Lafta-gareen oo Amar ku bixiyay in ciidamada sugaayo Amaanka Magaalada Baydhabo kaliya ay hub Magalada ku dhex wadan karan.
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdi-casiis Xasan Mohamed ( Lafta-Gareen) ayaa ka hadlay dhecdo Maanta ka dhacday Magaalada Baydhabo taas oo Dil loogu gaystay Shanruux iyo waliba nin caan ka ahaa deeganada Koonfur galbeed kaas oo siyaasi hore ahaa.
Madaxweynaha ayaa ugu horeen waxaa uu ka tacsiyeeyay Geerida ku timid dadka aan waxba galabsan sida uu sheegay kuwaas oo lagu dilay Magaalada Baydhabo oo uu ugu horeeyo Cali Mohamed Xusen (Marguus) kaas oo lagu dilay Beertiisa dhexdeeda oo ku taalo Magaalada Baydhabo.
Madaxweyne Lafta-Gareen ayaa Amar ku bixiyay in Ciidamada Qalabka sida ee sugaayo amaanka Magaalada Baydhabo oo kaliya loo ogol yahay in ay hub ku dhex wataan magaalada oo aan la arki Karin ciidamada kala eek u hubaysan hubka kuwaas oo magaalada Baydhabo ku dhex qaadan jiray Hubka waxaa uuna sidoo kale amar ku bixiyay in gacanta lagu soo dhigo dadkii ka danbeeyay dilii maanta ka dhacay Baydhabo.
Cabdi-Casiis Xasan Mohamed ( Lafta-Gareen) ayaa baaq u diray dhamaan shacabka kunool Magaalada Baydhabo waxaa uuna kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan nabad galyada lana joojiya dhiiga Islaamka ee ladaadinaayo isagoo xasuusiyay in lagu jiro bil Bara-kaysan.