Wararka

Garoonka gubadda Cagta ee Koonis oo loogu magac daray Eng. Yariisoow.

Munaasabad duco oo maanta ka dhacday Garoonka kubadda Cagta ee Banadir oo maanta loogu magac-daray Guddoomiyihii hore ee Gobalka Banadir Marxuum Abdirahmaan Omar Osmaan Eng. Yariisoow ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxweynaha dalka Mohamed Abdullahi Farmaajo, Ra’iisal wasaaraha xukuumada federalka, wasiiro, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banadir ahna guddoomiya Ku-xigeen maamulka Iyo Maaliyadda Gobolka Banadir, saraakiisha ciidanka iyo waliba masuuliyiin kale.

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Mohamed cabdullahi Farmaajo ayaa ugu horeen Khudbad ka jeediyay isu-soo-baxa xuska iyo ducada ee loo sameeyay dadkii ku dhintay weerarkii lagu qaaday Aqaalka dowlada Hoose ee Xamar ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya aysii wadi doonta dagaalka ay kula Jirto Al-shabaab isagoo shacabka ka codsaday in ay la shaqeeyaan ciidamada amaanka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si qoto-dheer uga hadlay taariikh nololeedkii Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Inj. Yariisow), waxa uuna sheegay in uu ahaa shakhsi dowladnimo jecel oo mar kasta ka shaqeynayay danta dalka.

“Alle ha u naxariistee Inj. Yariisow dhammaanteen waan ognahay halgankiisii dowladnimada, waxa uu ahaa shaqsi ay dowladnimadu ku weyn tahay, dowlad yaqaan ah oo jecel in dadkiisa iyo dalkiisa uu ugu adeego si waddaniyad leh, naxariis badan, ammaano leh, kana fogaa qabyaaladda.”

Madaxweynaaha ayaa sidoo kale ubax dhigay taallo-xuseedka Garoonka Ciyaaraha ee Eng.Yariisow taas oo lagu xasuusan doona shaqadii uu dalka u soo qabtay guddoomiyihii hore ee gobolka Banadir Eng. Yariisoow.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close