Wararka
Wakiilka gaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD oo ka war-bixiyay Booqasha uu maalmahaan ku-joogay Magaalada Kismaayo.
Wakiilka gaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Dr Maxamed Guyow oo Saxaafada kula hadlay magaalada kismaayo ayaa sheegay in maalmahan ay kismaayo u joogeen howlo la xiriira doorashooyinka Jubbaland iyagoo la shaqaynaya howlwadeenada caalamiga ah ee doonaya in howlaha doorashooyinka Jubbaland ay ku dhacaan qaab hufan oo xor ah.
Wafdigu wuxuu inta uu joogay kismaayo uu kulamo la qaatay masuuliyiin kala duwan oo ay kamid yihiin. Musharaxiinta Madaxtinimo ee is diiwaan galiyay. iyo kuwa aan diiwaan gashanayn. Odayaasha dhaqanka. Ururada Bulshada. Xildhibaanada Federaalka ah ee laga soo doortay Jubbaland. gudoonka Baarlamaanka Jubbaland iyo Gudiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka.
Danjirahu wuxuu sheegay in IGAD ay cadaynayso in ahmiyad gaar ah ay leedahay doorashooyinka Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha ee Jubbaland wuxuuna tilmaamay in taasi oo horay usii wadaysa geedi socodka yagleelida Dowladnimada iyo maamul wanaaga kuwaas oo xoojin doona amniga xasiloonida iyo kobaca hormarka bulshada.
Dr Maxamed Guyow wakiilka IGAD wuxuu intaas ku daray in uu adkaynayo baahida loo qabo qabsoomida doorashooyin madax banaan oo qaab hufan ku dhaca oo loo siman yahay taas oo waafaqsan Dastuurka KMG ah ee JFS iyo Dastuurka Dowlad Goboleedka Jubbaland si arintan loo xaqiijiyo waxaa uu sheegay in Shacabka iyo hogaanka Jubbaland ay ugu baaqayaan in nabada iyo xasiloonida laga wada shaqeeyo.