Wararka
Taliyaha cusub ee AFRICOM oo socdaal aan lashaacin shalay ku yimid Magaalada Mugdisho.
War ka soo baxay taliska marykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in shalay uu socdaal aan la shaacin ku yimid magalada muqdisho ee caasimada Soomaliya taliyaha cusub ee AFRICOM Gen. Stephen Townsend kaas oo xilkan loo magacbey 26- July ee sanadkan.
Gen. Townsend ayaa markii uu soo gaarey Muqdisho waxa uu kulan la qatey Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre ,safiirka dalka Mareykanka ujooga Soomaaliya Donald yamamoto iyo saraakiil sare oo ka tirsan Militariga Soomaaliya oo ku sugan Muqdisho waxaana ay ka wada hadleen arrimaha Amniga iyo La’dagaallanka waxa loogu yeero Argagixisada .
Markuu ka hadlayey booqashadiisii ugu horeysay ee soomaliya aya waxa uu shegay in ay ka go’antahay hormarinta iyo iskaashiga uu la leeyahay Soomaliya .
Townsend ayaa sidoo kale wuxuu la kulmay cutubyo Mareykan ah oo ku sugan Muqdisho kuwaa oo tababar siiya ciidamada danab ee Soomaliya isagoo ka hadlayey qiimaha tababaradan ay ku fadhiyaan ayaa waxa uu yiri ‘’ Dalka Mareykanka wuxuu bixiyaa iskaashiga amniga iyo tababarka ugu fiican adduunka,waxan maal gashana dadka uu iskaashiga naga dhaxeeyo ,waxan u hurnaa waqtigeena,’’
Africom ayaa xiliyadii u dembeyey waxa ay kordhiyeen weerarada cirka ah ee ay ka fulinayan gudaha Soomaaliya iyaga oo beegsanaya deeganada ay maamulaan Al-shaabab.