Wararka
Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo kulan wadatashi ah la yeelatay wasarada caafimaadka XFS.
Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Maal-gashiga iyo Hurumarinta Dhaqaalaha ee xukuumada Fadaralka Soomaaliya ayaa kulan wada tashi ah magalada muqdisho kula qadatay wasarada caafimaadka ee xukuumada fadaralka Soomaaliya kaa oo ku aadan Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 9-aad ee wasarada.
Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Amb. Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr.Foosiya Abiikar ,Agaasimaha guud ee wasarada Qorsheynta qaranka Muuse Maxamed Cismaan , Agaasimaha guud wasarada caafimaadka iyo mas’uuliyiinta kala duwan waxana ugu horreyn loogga warbixiyey halka uu maraayo Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Soomaaliya, waxyaabaha u soo qabsoomay iyo weli ba inay diyaar u yihiin waxyaabaha iyo tallooyinka dhinaca Caafimaadka ah ee ay ku soo kordhinayaan.
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya iyo madaxda kale ee Wasaaradda, ayaa dhankooda sheegay inay ku faraxsan yihiin in laga soo qeyb-galiyo talada Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Soomaaliya, waxaana halkaas la iskula falan-qeeyay qodobo muhiim u ah dhinaca Caafimaadka kuwaasi oo ay ugu muhiimsanaayeen kor u qaadista heerka adeeg Caafimaadka, sharciyadda iyo helidda xirfadleyaal caafimaad oo aad u heer sarreeya.
Qorshaha Horumarinta Qaranka Sagaalaad oo maraya wareegiisii labaad, ayaa ah mid la tashigiisa laga soo qeyb-galiyey dhammaan ba hay’addaha dawladda ee heer Fadeeraal, maamul goballeed iyo weli ba qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaasi oo dhammaantooda ba laga soo qoray tallooyinka ku aadan Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Soomaaliya.