Wararka
Guudoomiya Aqalka Sare ee BJFS oo safirka dalka Qatar u jooga Soomaaliya kala hadlay taagerida howlaha Guddiga Baarlamaanadda Soomaaliya iyo Qatar.
Guudoomiya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dalka Qatar u fadhiya Soomaaliya Xasan Xamsa Asad.
Guudoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Safiirka dalka Qatar u fadhiya Soomaaliya Xasan Xamsa Asad ayaa kawada hadlay iskaashiga labada dal iyo taagerida howlaha Guddiga Baarlamaanadda Soomaaliya iyo Qatar.
Kualnka waxaa goobjoog ka ahaa Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmed iyo Xog-hayaha Guud ee Golaha.