Wararka
Trump oo cabaareeyay weerarkii maanta lagu qaaday gobolada Texas iyo Ohio.
Madaxweynha adalka Maraykanka Donald Trump ayaa cambaareeyay labadii weerar ee maanta ka dhacay gobolada Texas iyo Ohio kuwaas oo ay ku dhinteen 20 ruux halka 26-ruux oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Madaxweyne Trump ayaa weerarkaa ku sheegay in uu ahaa mid nacas-nima ah oo aan wax faa’iida ku jirin in bilaa micna la’aan la’iskaaga laayo dad shicib ah oo aan waxba galabsan waa sida uu bartiisa twitter-ka kusoo qoray.
Weerarkaan ayaa noqonaayo mid kamid ah weeraradii ugu darnee ee lagu qaado dalka Maraykanka kaas oo si wadareed dad shacab ah loogu laayay, sidoo kale khasaaraha ka dhashay weeraradii maanta ayaa ku dhaw kuwii sanadkii 2017-kii ka dhacay Las Vegas iyo Sutherland Springs, Texas kuwaas oo uu nin hubaysan uu si isdaba joog ah u fuliyay waxaana weeraradaas ku dhintay 58 ruux iyadoo ay ku dhaawacmeen 26-ruux oo kale.