Ciyaaraha
Barcelona oo PSG lafariisaneeyso.
Xidiga Neymar ayaa ugu dambayn rumayn karariyadiisa ku laabashada kooxda Barcelona iyo ka tagista kooxda Paris Saint-Germain inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan xili ay Barcelona doonayso in ay sida ugu deg-deg badan u soo afjarto heshiiska xidiga waxa uu wali muranku ka taagan yahay mustaqbalka xidiga kooxda PSG iyo xulka qaranka Brazil ee Neymar kaas oo si aad ah u doonaya in uu isaga tago PSG kuna laabto kooxdiisii hore ee Barcelona.
Xidiga reer Brazil ayaa koodiisa PSG si cad ugu sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda waxana ay u muuqataa in uu Neymar kooxdiisa ku qasbayo in ay iibiso xagaagan. wargayska Sport ayaa shaaca ka qaaday in ay labada kooxood wada fadhiisan doonaan miiska wada xaajoodka si ay uga hadlaan mustaqbalka xidiga 27-jirka ah ee reer Brazil.
Wargayska ayaay sheegaya in uu xidiga heshiiska amah ah ugu soo biro kooxda Barcelona xagaagan ka hor inta ayna si toos ah ula wareegin xagaaga dambe talaabadaas ayaa da-dajin doonta ku soo laabashada Neymar ee Cap-nou ee xagaagan oo uu si ugu soo laabto kooxdiisii hore. Neymar ayaa wali kac doonka wada kooxda caasimada France ka dhisan ee PSG waxoona u sheegay kooxda ina la iibiyo inta lagu jiro daaqada kala wareega suuqa.