Wararka
Ra’iisal wasaare Ku-xigeenka dalka oo tacsi ugu tagay Gurigiisa Ugaas Maxamuud Ugaas Cali.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed iyo Qaar ka mid ah Golaha wasiirada dalka oo maanta Tacsi ugu tagay Ugaas Maxamuud Ugaas Cali iyagoona ugu tacsiyadeyay geeradii naxdinta laheyd ee ku timid C/raxmaan Cismaan Eng. Yariisoow.
Qoraal uu soo dhigay mid ka mid ah baraha bulshada ay ku wada xariirto raysulwasare ku xigenka xukumada fadaralka Soomaliya Mahdi Maxamed Guuleed Qadar ayuu ku yiri “Waxaan tacsi ugu tagay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdulle. Waxaan uga tacsiyadeeyay Allahu naxariistee geerida Guddoomiye ENG. Cabdiraxman Cumar Cusman Yariisow”.
Maydka godomiye yariisow ayaa la filaya in maalinbta bari ah la keeno magalada muqdisho ee caasimada Soomaliya si halkaan loogu sameyo aas qaran oo ka qeybgalayan madaxda ugu sareysa dowlada fadaralka Soomaliya.