Wararka

Dumarka Sacuudiga oo loo ogolaaday in ay si madaxbanaan u safri karaan.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa xayiraaddii Dumarka Sacuudiga ka saarneed dhanka socdaalka iyo Baasa-boorada ka qaatay.

Boqorka dalka Sacuudiga, Salman bin Abdulaziz ayaa qalinka ku duugay sharci  dumarka Sacuudiga ku nool u ogolaanaayo in ay dalban karaan Baasa-buurada Sacuudiga sidoo kale ay si xur ah u safri karaan.

Guddiga shuurada Sacuudiga ayaa arrinkaan ka yeeshay dood kadib waxaa la’isku raacay in dumarka Sacuudiga ku nool loo fasaxo in ay si madax banaan u safri karaan.

Dr. Eqbal Darandari oo kamid ah guddiga shuurada ee Sacuudiga oo ka hadlay faa’iidada ay leedahay xayiraadaan cusub ee laga qaaday dumarka Sacuudiga ayaa sheegay in dumarka Sacuudiga ay heleen xaquq horay ugu maqneed.

Sidoo kale waxaa sharcigaan cusub ee dumarka Sacuudiga loogu ogolaanaayo in ay Si madaxbanaan u safri karaan soo dhaweeyay safiirka Sacuudiga u jooga dalka maraykanka, Reema bint Bandar waxaa ayna sheegtay in sharcigaan ay kasoo shaqaysay in badan haddana ay ku faraxsantahay in dalka Sacuudiga uu ka dhaqan galo.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close