Wararka

Kuryada Waqooyi oo tijaabisay Gantaalkeedi seddexaad muddo seddeed maalin gudahood.

Dowlada Kuuryada Waqooyi ayaa tijaabisay Gantaalkii seddexaad seddeed maalin guddahood balse madaxweyne Trump ayaa sheegay in wax dhiba aysan laheen tijaabooyinka gantaalada ee ay waddo xukuumada Pyongyang.

Laba kamida gantaaladaas ayaa laga riday xaybta Kuuryada Waqooyi ee dhanka bari oo ay xaduud kala wadaagto Kuuryada Koonfureed waxa ayna gantaaladaasi dib ugu soo noqdeen Badda sida uu wakaalada wararka ee AP usheegay  masuul u hadlay Kuuryada Koonfureed oo magaciisa ka gaabsaday .

Dowladaha Yurub ee xubinta ka ah Guddiga Amaanka ee Qaramada Midoobe ayaa cambaareeyay Tijaabooyinkaan ay waddo Dowlada kuuryada Waqooyi.

Madaxweyne Trump oo seddex jeer oo hore kulan laqaatay dhigiisa dalka Kuuryada Waqooyi, Kim Jong Un ayaan wax xal ah ka gaarin xakamaynta gantaalada ee Kuuryada Waqooyi waxaa uuna sheegay in wax dhiba uusan ku qabin gantaaladaan xili uu aqalka kaga baxaayay olole doorashadiisa ku saabsan maalinimadii khamiista.

“wax dhiba kuma qabo, waxaan arki doonaa waxa xiga laakinse gantaalada ridada gaaban waa kuwa layaqaa” ayuu yiri Trump.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close