Wararka
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ka tacsiyeeyay geeridii Allah u naxariistee Eng. Yariisow.
Madaxweynaha dalka Jabuuti Imaaciil Cumar Geele ayaa ka tacsiyey geeridii ku timid Allah ha unaxaristee Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahana duqii Magalada Muqdisho Cabdiraxmana Cumar Cismaan Eng. Yariisow oo shalay ku geeryooday cisbitaal ku yaala Magalada Doxa ee caasimada dalka Qadar.
“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed la qeybsanayaa murugada geerida ku timid Guddoomiyehii Gobolka Banaadir, waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa Dowladda Federaalka oo uu u horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane; Maxamed C/llaahi Farmaajo”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Maxaweyne Geelle.
“Haddaan nahay Walaalahiin Jabuuti mar walba waxaannu taagan nahay Garabkiinna, Dowladda iyo Shacabkuba” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa marxuum eng Yariisoow ku tilmaamay in uu ahaa Guddoomiye aad u fir-fircoon islamarkaana wax badan ka qabtay nabadeynta iyo horumarka Gobolka Banaadir.
Allah ha unaxariiste Cabdiraxman Cumar Cismaan Eng. Yariisow ayaa dhaawac xoogan waxa uu ka soo gaarey qarax 24 bishii aynu ka soo gudubnay ee julay ka dhacay xarunta hoolka shirarka mamulka Gobolka Banaadir waxana qaraxaasi masuuliyadiisa sheekatay Alshabaab.