Wararka

Maxkamadda darajada 1-aad ciidamada qalabka sida oo dil ku xukuntay Eedaysane loo haystay dilala ka dhacay gobolada Bari iyo Banadir..

Maxkamadda darajada 1-aad ciidamada qalabka sida ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay Eedaysane Aadan Max’ed Cali kadib markii lagu helay falal dilal ah oo uu ka gaystay gobollada Bari iyo Banaadir.

Eedaysanaha 1aad Aadan Max’ed Cali,waxaa si gaar ah loogu eedeeyay in uu ka tirsan yahay kooxda Daacish una qaabilsan yahay qaybta fulisa dilalka qorshaysan,isagoo kasoo howlgalay gobolada Banaadir Iyo Bari halka Eedaysnaha 2aadC/Shakuur Xaaji Barsanji oo horay loogu eedeeyay inuu ka tirsan yahay Kooxda Daacish isla markaana gacansiinayay danbiilaha koowaad ee dilka lagu xukumay, ay Maxkamadda darajada koowaad ee C.Q.S amartay in xabsiga laga sii daayo.

Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegtay in Eedaysane Aadan Max’ed Cali uu qayb ka ahaa dilal ka dhacay gobollada Bari iyo Banaadir intii u dhaxaysay 24/09/2018 ilaa 27/01/2019 iyadoo markii ugu danbeyn ciidamada amnigu ay soo qabteen kadib markii uu dhaawac kasoo gaaray fulinta dilka marxuum Ex-D/le Axmed  Cabdi Xuseen.

Haddaba Hoos ka akhriso xiliyadii uu dilka gaystay iyo goobihii ay ka dhaceen.

1-Taariikhdu markay ahayd 24/09/2018, waxay isaga iyo labo ruux oo kale Boosaaso waxay ku dileen Marxuum Ex-L/x/le Axmed Hurfe Jaamac oo ahaa taliyahii gaadiidka madaxtooyada Puntland.

2-Taariikhdu markay ahayd 25/10/2018 ,waxay sidoo kale magaala Boosaaso ku dileen marxuum C/raxmaan Aadan Cali oo ahaa ganacsade sharaab ku iibin jiray magaalada Boosaaso.

3-Taariikhdu markay ahayd 19/01/2019 waxay isaga 2 ruuxoo kale degmada H/wadaag  ee magaalada Muqdisho  ku dileen labo marxuum oo lagu kala magacaabi jiray (Axmed Shiikhaal)iyo Marxuum C/laahi Muxumed Cali (C/laahi dheere).

4-Taariikhdu markay ahayd 27/01/2019 waxay degmadaYaaqshiid ku dileen marxum Ex-D/le Axmed  Cabdi Xuseen, iyadoo ciidamada amnigu ay soo qabteen kadib markii uu dhaawac kasoo gaaray fulinta dilka marxuumka.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close