Wararka

Deeganada Puntland oo maanta laga xusaayo Sanad Guurada 21-aad Ee Aasaaskii Puntland.

Munaasabad heer sare loosoo agaasimay oo lagu xusayey, Sannad-guuradii 21-aad ee ka soo wareegtay markii la aas’aasay dowladda Goboleedka Puntland oo ku beegan 1-Agoosto 1998-dii, ayaa maanta lagu qabtay barxadda weyn ee caasimadda Garoowe.

Munaasabada waxaa kasoo qayb galay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddomiyaha Golaha Shacabka DFS Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed, Guddoomiye Ku-xigeen Koowaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari, Madaxweynihii Hore ee Puntland, Ahna Sanator ka tirsan Aqalka Sare Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole, Madaxweyne Ku-xigeenkii hore Cabdisemed Cali Shire, Masuuliyiin ka tirsan Golayaasha DFS iyo kuwa Dowladda Puntland, Aqoonyahano siyaasiyiin iyo dhammaan shacabka Puntland.

Wasiirka Amniga dowlad Goboleedka Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa ugu horeyn u mahad celiyay dhamaan masuuliyiintii iyo shacabkii kasoo qayb galay  munaasabadda waxaa uuna sheegay in madaxweynaha Dowlada Goboleedka Puntland Saciid Cabdullahai Deni uu caawa Khudbad ka jeedin doona xafladda lagu qaban doono gudaha madaxtooyadda Puntland.

Wasiirka ayaa sidoo kale bogaadin iyo mahadnaq u soo jeediyay Ciidamada qalabka sida ee puntland kuwaas oo madashada munaasabadda ku soo bandhigay dhoola tus iyadoo sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen shacabka Puntland oo si weyn uuga dhex muuqda munaasabadda iyo sida ay ugu faraxsanyihiin maalintan.Image may contain: 1 personImage may contain: 1 person, crowd and outdoorImage may contain: 8 people, people standing, crowd and outdoorImage may contain: 8 people, people standing and outdoorImage may contain: 3 people, suit

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close