Wararka

In kabadan 300 oo Askari oo tababar kusoo qaatay Turkiga oo dalka Dib ugu soo noqday.

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumada federaalka Soomaaliya, Maxamed Xasan Cali (ammar dambe), ayaa maanta Garoonka diyaaradaha ee Aadan cadde kusoo dhaweeyay askar tababar kusoo qaatay dalka Turkiga kuwaas oo maanta dalka dib loogu soo celiyay.

Ciidanka maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa gaarayo 330 Askari oo kumaandoos ah kuwaas oo ku biiri doona ciidamadii hore ee kumaandoosta ah oo howlgalada ka wada Gobolada dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga Maxamed Xasan Cali Ammar Dambe ayaa ugu mahadceliyay Dowladda Turkiga doorkii ay ka qaadatay tababarka Ciidanka xoogga, wuxuuna rajo weyn ka muujiyay in ay soo laabato tayadii uu Ciidanka Xoogga Dalku lahaa.

Wasiirka ayaa sidoo kale amaan iyo boogaadin u jeediyay ciidamada maanta dalka Dib ugu soo laabtay isagoo ugu mahadceliyay dhabar adeggii ay muujiyeen intuu uu u socday tababarka.

Ammar Dambe ayaa sidookale waxaa uu xosay in dhawaan ay sagootin doonaan Saraakiil iyo Saraakiil xigeenno ay u diyaariyeen in ay tababar kusoo qaataan dalka Turkiga .

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close