Wararka
Madaxweyne farmaajo oo celiyay jinsiyaddiisii labaad ee uu ka qaatay dalka Mareykanka.
War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxtooyada dalka ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Jumjuuriyada Federaalalka ah ee Soomaaliya Mohamed C/lahi Farmaajo uu celiyay jinsiyaddiisii labaad ee uu ka qaatay dalka Mareykanka maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da Ogoosto, 2019.
Sidoo kale war-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in howshaan ay soosocotay in muddo ah oo ay ku howlanaayeen sharciyaqaanno iyo xafiisyada qaabilsan jinsiyadaha ee Soomaaliya iyo Mareykanka balse maanta ay soo gaba-gaboowday
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku noolaa dalka Mareykanka muddo dheer halkaas oo uu kasoo kororsaday aqoon iyo khibrado shaqo oo kala duwan, isagoo dowlada Soomaaliya horay ugu soo noqday Ra’iisul Wasaare sanadkii 2010.
Qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Villa Somalia ayaa lagu yiri “Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa oggolaanaya in muwaadinka Soomaaliyeed uu qaadan karo jinsiyad kale, balse markii la doortay ka dib, Madaxweynuhu waxa uu si iskiis ah u bilaabay qorshaha celinta baasaboorka labaad ee Mareykanka ah taas oo maanta soo idlaatay”.
Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka kasoo baxay xafiiska madaxtooyada dalka: