Wararka

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud Ee Qaranka oo kulan la qaatay Wasaaradda Qorsheynta.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud Ee Qaranka iyo Wasaaradda Qorsheynta ayaa maanta kulan ku qaatay xarunta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka.

Waxaa kulanka goob joog ka ahaa; Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka, Wasiirka Wasaaaradda Qorsheynta Qaranka , Xoghayha Joogtada Wasaaradda Qorsheynta ,Ku Xigeenada Xeer Ilaaliyaha Guud , agaasimayaasha iyo qaar kamid ah howl wadeenada labada xafiis.

Intii uu kulanka socday, Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ayaa ku soo bandhigtay warbaxin ku aaddan geeddi socodka qorista Qorshaha horumarinta Qaranka.

Sidoo kale waxaa dhankiisa warbixin kooban ka jeediyay kullanka, Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka toosoo diiradda uu ku saaray howlaha Xafiiska oo ay ugu mihiim sanaayeen Tababarada shaqaalaha ,Dhismaha Xafiisyada Xeer Ilaalinta iyo Qorshaha u degsan Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka.

Ugu dambeyn Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka ayaa bogaadiyay Shaqada Wasaaradda Qorsheynta ay Dalka isagoo Isla markaana Wasaaradda Qorsheynta uga mahad celiyay wada-tashiga ay la yeelatay Bahda Garsoorka Dalka.

Image may contain: one or more people and people standingImage may contain: 2 people, people standing and outdoorImage may contain: 1 person, sitting, table and indoorImage may contain: 2 people, people standing

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close