Wararka

 Guddooomiyaha gudiga doorashooyinka Jubbaland oo ka warbixiyay halka ay  marayaan soo xulista xildhibaanada Cusub ee Jubbaland.

Guddooomiyaha gudiga madaxa bannaan ee xudduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland Xamsa Cabdi Barre ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan soo xulista Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Xamsa Cabdi Barre  ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka deegaanada dowlad Goboleedka Jubbaland  ay u qabteen saminaaro ayna hadda ku jiraan soo xulista xildhibaanada Cusub iyagoo latashiya badan lasamaynaayo nabaddoonada Jifooyinka sidaasi tarteedna ay u siiyeen waqti dhan 20 maalin si ay u soo xaliyaan khilaafyada iyo kala aragti duwanaashaha beelaha ay ergada matalayso.

Guddooomiyaha gudiga madaxa bannaan ee xudduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay in uu aad ugu mahadcelinaayo odayaasha dhaqanka Jubbaland kuwaas oo kala shaqeeyay in ay kusoo xaadireen waqtigii loo qabtay iyo sidii ay ugu soo qayb galeen siminaarkii loo qabtay ee lagu baraayay sida ay kusoo xuli karaan xildhibaanka ay dooniyaan.

Guddooomiyaha waxaa uu sheegay in ay hadda marayaan marxaladii ugu xasaa-si-saneed xulista xildhibaanada cusub ee dowlad Goboleedka Jubbaland uu yeelan doona iyo in ay hadda kaliya sugiyaan in Ergayda ay u soo gudbiyaan liiska xildhibaanada ay soo xuleyn.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close