Wararka

32 ruux oo ku dhinatay qarax ka dhacay dalka Afghanistan.

Kharax maanta ka dhacay dalka Afghanistan ayaa waxaa ku dhintay 32 ruux halka 17 kalana ay ku dhaawacmeen.

Qaraxaas ayaa ahaa miino lagu aasay meel wada dhinaceeda ah, waxaa uuna ku kharxay gaari Bus ah kaas oo ay saarnaayeen dad kabadan 49 ruux.

Afhayeen u hadlay gobolka Farah oo lagu magacaabo Muhibullah Muhib ayaa sheegay in Bus-ka uu ku safraayay wada lagu magacaabo Kandahar-Heart xiliga ay miinada la qarxaysay. Masuulkaan ayaa sidoo kale waxaa uu qaraxaas ku eedeeyay in ay wadada dhigeen kooxda Taliban.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in dadka dhintay ay dhamaantoot yihiin shacab kuwaas oo u badan haween iyo caruur.

Afhayeenka madaxweynaha Afghanistan Sediq Sediqqi ayaa sidoo kale ka hadlay qaraxa ka dhacay dalkaas waxaa uuna sidoo kale sheegay in qaraxaas ay gaysteen kooxda taaliban.

Si kastaba, masuul u hadlay kooxda Taliban oo lagu magacaabo Zabihullah Mujahid ayaa sheegay in kooxda Taliban aysan gaysan weerarkaa waxaa uuna sheegay in ay baaritaan ku wadaan dhacdadaasi.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close