Wararka
Kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo xariga ka jaray waaxda 3aad oktobar ee Degmada waabari.
Kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiya Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyada Gobolka Banadir Ibraahim Cumar Mahadale (Ibraahim dheere) iyo Gudoomiye ku xigeenka howlaha guud Aadan Shiikh Cali fiidow ayaa maanta si wadajir ah xariga uga jaray waaxda 3aad oktobar ee Degmada waabari ee Gobolka Banaadir.
Kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Ibraahim dheere ayaa sidoo kale waxaa uu kormeeray Howlo nadafadeed oo ka soctay Degmada waabari oo ay ka wadeen waxda howlaha guud.
Socdaalka uu Kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho uu ku tagay Degmada waabari ayaa aheed mid uu ugu kuur galaayay sida ay shaqada degmada u socota.