Wararka

Guddiga Qaban-qaabada Shir-weynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ka warbixiyay socdaalkoodi deganada Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo kulan la qaatay xubnaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa waxaa looga hadlay dardar-gelinta qorshaha dib-u-heshiisiinta Galmudug.

Guddigaan oo dhawaan kasoo laabtay socdaal ay ku mareen deegaannada Galmudug ayaa sidoo ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay najiijadii kasoo baxday kulamadii ay la qaateen iyo farriintii ay gaarsiiyeen bulshada deegaannada Xeraale, Huurshe, Balanbal, Caabuud-waaq, Gaalkacyo iyo Cadaado.

Ra’iisal wasaaraha dalka ayaa guddiga faray in ay laba jibbaaraan dadaallada ay ku gudanayaan waajibaadka ka saaran shirka si loo gaaro hadafka guud oo ah in la helo Galmudug loo dhanyahay.

shir-weynaha la isugu keenayo dhammaan beelaha Galmudug si la isugu diyaariyo dhismaha Galmudug loo dhanyahay ayaa waxaa lagu wadaa in lagu qabto magaalada Dhuusa-mareeb 5 bisha August 2019-ka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close