Wararka
Muuse Biixi oo Cafis u fidiyey maxaabis garayso 19.
Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta cafis u fidiyay maxaabis gaarayso 19 maxbuus kuwaas oo laga soo daayay xabsiyada dalka Seychelles.
Maxaabistaan ayaa laga qabtay xeebaha Bad-weynta Hindiya iyo Badda Cas waxaa ayna u xirnaayeen dambiyada budhcad-badeednimada waxaana in mudda ah dhaqan celin loogu sameeyay xabsiyada maamulka Soomaaliland.
Madaxweynaha ayaa sheegay in uu cafiskaan u fidiyay maxaabistaan kadib markii uu arkay awoodaha cafiska ee ku tilmaaman Qodobka 90aad, faqradiisa 5aad ee Dastuurka Somaliland iyo talooyin ugu yimid dhanka odayaasha dhaqanka iyo codsiyada qarabada maxaabista uu cafis u fidiyay.
Haddaba hoos ka akhriso magacyada 19-ka maxaabista cafiska loo fidiyay.
1) Maxamed Axmed Ciise
2) Cadow Cali Cismaan
3) Cabdillaahi Yuusuf Xirsi
4) Axmed Cali Cismaan
5) Axmed Cali Siciid
6) Maxamed Axmed Cali
7) Bashiir Khaliif Xaashi
8) Cabdirisaaq Maxamed Cali
9) Cabdifataax Axmed Xasan
10) Nuur Maxamed Aadan
11) Jamaal Maxamed Cali
12) Cali Maxamed Cali
13) Cabdillaahi Maxamed Xasan
14) Cabdi Tahliil Xasan
15) Daahir Cabdillaahi Warsame
16) Cabdiqaadir Cabdi Cali
17) Cabdinuur Xaaji Aadan
18) Maxamed Maxamuud Xasan
19) Abuukar Axmed Ciise