Wararka
Madaxweynaha Somaliland oo daah-furay Qorshaha Shanta Sanno ee Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland.
Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta Magaalada Hargaysa ee Xarunta maamulkaasi ka daah-furay qorshaha shanta sano ee soo socota ay ku hawlgeli doonto hay’adda dhawrista tayada Somaliland.
Daah-furka Munaasabadaan waxaa goobjoog ahaa madaxda hay’adda dhawrista, xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, siyaasiyiin, aqoonyahan iyo marti-sharaf kale, waxana madasha laga jeediyey muhiimadda ay hay’addani Somaliland u leedahay iyo sida ay bulshadu ugu intifaaci doonto qorshaha shanta sano ee la dejiyey.
Guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayada Maamulka Somaliland, Muuse Xasan Yuusuf oo madasha ka hadlay, sida ay hay’ad iskaga xilsaartay inay diyaariso qorshe hawleed ay muddo shan sano ah ku hawl-galaan, kaas oo si mug leh uga qayb qaadan doona inay bulshadu hesho cunto iyo agab tayo leh oo baadhitaanno lagu sameeyey.
Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo dhankiisa hadal ka jeediyay madaxsha ayaa masuuliyiinta hay’adda dhowrista tayada Somaliland ku bogaadiyey dedaalka ay sameeyeen iyo hirgelinta qorshaha wax-ku-oolka ah ee ay curiyeen, waxaa uuna sheegay in ay dhankooda si buuxda u garab geli doonaan una taageerayaan.