Wararka
Ciidamada Amaanka Boosaaso oo soo bandhigay waxyabaha qarxa iyo rag ay sheegeen inay diyaarinayeen.
Iyadoo lagu guda jiro u diyaar garoowga xuska aas-aaskii Puntland ee 1-da Agoosto ayaa howlgalo ay ciidamada Amaanka Puntland ka sameyeen Xaafada magalada boosaaso waxaa ay kusoo qab qabteen waxyabaha qarxa iyo rag ay sheegeen inay diyaarinayeen.
Saraakiisha Ciidamada Ammaanka Dowlada Goboleedka Puntland ayaa soo bandhigay 7 Ruux oo ay sheegeen inay ahaayeen raggii diyaarinayay qaraxyada,kuwaas oo doonayay inay ku dhibaateeyaan dadka Magalada Boosaaso sida ay hadalka u dhigeen.
Howlgalkaan lagu soo qabtay waxyaabaha qarxa iyo raggii diyaarinayay ayaa kusoo aadaya xilli Madaxweynaha Puntland uu shalay kulan la qaatay saraakiisha Amniga kuna amray in la xoojiyo amniga guud ee Puntland inta lagu jiro toddobaadka Puntland.