Wararka

Xarunta odayaasha dhaqanka deegaanada Jubbaland oo maanta xariga laga jaray .

Wasaaradda Arrimaha gudaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta xarigga ka jartay Xarunta odayaasha dhaqanka deegaanada dowlada Goboleedka Jubbaland.

Xarunta odayaasha dhaqanka Jubbaland oo ah xarun cusub oo ay ku howl-gali doonaan odayaasha dhaqanka ayaa ka kooban xaafisyo qalabeysan iyo hoolka shirarka iyo qaybo kale oo muhiim ah.

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha gudaha dowlad goboleedka  Jubbaland, Aadan Faarax Gaarane iyo Guddoomiyaha degmada Kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusuf ayaa si wada jir ah xariga ugu Jaray xaruntaas.

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha gudaha Jubbaland Aadan Faarax Gaarane ayaa sheegay in xaruntaan ay muhiimad gaar ah u leedahay odayaasha dhaqanka Jubbaland isagoo kula dardaarmay in la xoojiyo ka qayb qaadashada Amniga dowlad goboleedka Jubbaland.Image may contain: one or more people, people standing, sky and outdoorImage may contain: 9 people, people smiling, people standing

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close