Wararka
Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay dil ciidanka Somaliland loogu gaystay Ceel-Afweyn.
Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Abdi ayaa ka hadlay dagaal ka dhacay deegaanka Ceel-Afweyn halkaas oo lagu dilay ciidanka Somaliland .
Madaxweynaha ayaa ugu horeyn u tacsiyeeyay ciidankii ku dhintay dagaalkaas isagoo eeba ugu baryay in uuJanada ka waraabiyo. Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumada uu hoggaamiyo ay dulqaad u muujin doonta waxa uu ugu yeeray shaqsiyaadka khaska ka wado Somaliland.
Ugu danbeyn madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Somaliland in ay garab istaagan Xukuumada waxaa uuna odayaasha dhaqanka ka codsaday in ay suurta gal aheen in garab lasiiyo shaqsiyaad sida uu sheegay qas ka wada maamulka Somaliland sidaasi darteetna looga baahanyahay in ay ka shaqeeyaan Nabada Somaliland.