Wararka
(Akhriso): Warar dheeraad ah oo kasoo baxaayo weerarkii Kabul iyo masuuliyiin laga soo badbaadiyay gudaha dhismaha.
Waxaa isasoo taraayo dimashada weerar shalay lagu qaaday xafiiska madaxweynaha Afghanistan ee Caasimada Kabul.
Sida laga soo xigtay masuuliyinta dalka Afghanistan, waxaa weerarkaa ku dhintay 20 ruux halka kudhawaad 50 ruuxna ay ku dhaawacmeyn.
Weerarka oo saacada socday ayaa waxaa uu dhexmaaray ciidamada Amaanka Afghanistan iyo kooxihii weerarka soo qaaday kuwaas oo gudaha u galay xarunta dhismaha xafiiska.
Kooxaha weerarka soo qaaday ayaa waxaa sida la sheegay bartil-maad u ahaa musharaxa madaxweyne ku-xigeenka dalka Afhganistan iyo waliba madaxii hore ee Sirdoonka dalka Afhganistan Amrullah Saleh kuwaas oo laga soo saaray dhismaha weerarka lagu qaaday waxaana hadda lageeyay goob amaan ah sida uu xaqiijiyay wasiirka arrimaha Guddaha Nasrat Rahimi.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in 85 ruux oo shacab ah laga soo badbaadiyay dhismaha weerarka lagu qaaday.
Illaa hadda cid sheegatay malahan masuuliyada weerarka balse waxaa dalkaas ka dagaalama kooxda Taliban iyo kooxda isku magacaawday dowlada Islaamiga ee ISIS waxaa ayna weerara qorsheeysan ka fuliyaan caasimada Kabul ee dalka Afhganistan.