Wararka

Wasiir cawid oo qaabilay Wakiilka cusub ee Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Q.M.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobey ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan (WFP) u qaabilsan Soomaaliya, Cesar Arroyo waxaa uuna halkaa kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga.

Intii uu kulanka socday ayaa waxaa laga wada hadlay iskaashiga  dhaxeeyo dowlada Federaalka Soomaaliya iyo WFP iyo howlaha ay ka fuliso guud ahaan dalka, oo ay ku jirto dhiirrigelinta beeraladayda Soomaaliyeed iyadoo laga iibsanayo wax soo saarkooda dalagga beeraha, shaqa-gelinta dhalinyarada, taageeridda haweenka iyo wax ka qabashada deegaannada fog ee miyiga si loo hagaajiyo xaaladda nololeed dadka halkaasi ku nool si loo yareeyo xaaladaha abaareed ee soo noq-noqday.

Waxaa kulanka dhankiisa ka hadlay Wakiilka cusub ee WFP ee Soomaaliya isagoo ka mahadnaqay sida wanagsan ee loogu soo dhaweeyay Soomaalia waxa uuna carabka ku adkeeyay ballanqaadkiisa dhammaystiran iyo wadashaqaynta labada dhinac.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close