Wararka

James swan oo uu ku baaqayin la bilaabo wadahadaladii  dowlada Soomaaliya iyo Somaliland.

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa safarkiisi ugu horeeyay ku tagay Magaalada Hargaysa ee caasimada maamulka Somaliland waxaana halkaa kusoo dhaweeyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo xubna kamid golahiisa wasiirada.

Ambassador James Swan oo ka warbixiyay kulamadii uu la qaatay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in ay kawada hadleen sidii loo horumarin lahaa dhismaha Somaliland iyo sidii xal loogu heli lahaa khilaafyada iyo dagaalada iyo waliba sidii loo joogteen lahaa wadahadalo dhex maro dowlada Soomaaliya iyo Somaliland.

Wakiilka ayaa sidoo kale ku booriyay madaxda siyaasadda ee Somaliland inay dadaal dheeraad ah ku bixiyaan sidii ay u qaban-qaabin lahaayeen doorashooyinka baarlamaanka iyo kuwa deegaanka.

James  Swan ayaa booqashadiisii ugu horeysay ku tegay Somaliland tan iyo markii uu la wareegay xilkiisa dabayaaqadii bishii Juun. Waxaa booqashada ku wehliyay madax sare oo ka kala socotay Xafiiska Ergeyga Sare ee QM u qaabilsan Arrimaha Qoxootiga (UNHCR), Hay’adda QM ee Cuntada iyo Beeraha (FAO) iyo UNDP –  oo kala ah Takeshi Moriyama, Serge Tissot iyo Jocelyn Mason.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close