Wararka

Hoggaamiyayaasha dalalka Mexico iyo Honduras oo heeshiis ku gaaray in la shaqaaleysiiya Muhaajiriinta dalalkaas ku nool.

Hoggaamiyayaasha dalalka Mexico iyo Honduras ayaa wada saxiixay qorsha wax loogu qabanaayo muhaajiriinta kasoo qulqulaayo bartamaha America kuwaas oo magan galyo waydiisanaayo Marykanka.

Sidoo kale madaxweynaha Mexico, Andrés Manuel López Obrador ayaa sheegay in muhaajiriintaas uu u samaynaayo shaqa abuur ah in ay ka shaqeeyaan abuurista dhirta gudaha Mexico taas oo ay badalkeeda heli doonaan lacaga ay iskaaga bixiyaan waxbarashada caruurtooda.

Dowlada Honduras ayaa sidoo kale samayn doonta shaqa abuur taas lamid ah waxaana heshiiskaas maanta lagu wada saxiixday gobalka Veracruz ee ka tirsdan dalka Mexico.

Labadaan masuul ayaa madaxweynaha dalka Maraykanka ugu baaqay in uu wax ka qabto xaaladaha lagula tacaalo dadka magangalya doonka ah.

Maraykanka ayaa xiray xaduudka uu la leeyahay Maraykanka kadib markii dalkaasi ay ku soo xaroodeen xaqooti tira badan hasayeeshee madaxweyne Trump ayaa ku andacwooday in Mexico laha soo galiya darooga sharci daro ku timaado dalka Maraykanka sidaasna uu u xiraayo xaduudka Maraykanka uu la leeyahay Mexico.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close