Wararka

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee golaha shacabka iyo Wasaarada Warfaafinta oo kulan ku yeeshay Muqdisho.

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Arimaha Bani ‘aadanimada Warfaafinta iyo Dhaqanka Golaha aqalka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho waxaa ayna kawada hadleen Xeerka Saxaafadda ee dhowaan ansixiyeen  golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo qorshe howleedka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa gudiga uga warbixiyay tubaha Wasaaradda warfaafinta ku shaqayso, Warbaahinta Dowlada iyo kuwa Madaxa Bannaan Horumarka iyo Caqabadaha haysta.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in duggida ay kawada shaqayn doonaan xeerka saxaafadda ee dhowaan Ansixiyeen Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close