Wararka

Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo kulan la qaatay bulshada deegaanka Huurshe.

Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ee dhawaan ay magacaawday waraaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta kuwaas oo socdaal ku maraya deegaannada dowlad gobaleedka Galmudug ayaa maanta gaaray deegaanka Huurshe.

Guddigaan oo uu hoggaaminaayo Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow waxaa deegaanka Huurshe ku soo dhaweeyay Hoggaamiyaasha Culumaa’udiinka iyo Bulshada Deegaanka Huurshe.

Guddiga ayaa shacabka iyo masuuliyiinta reer Huurshe uga mahad celiyey soo dhaweynta diiran iyo marti-gelinta weyn, waxa uuna u bandhigay qorshaha iyo Casuumaadda shir-weynaha dib-u heshiisiinta Galmudug ee gogoshiisu ka fidsantahay Caasimadda Galmudug ee Dhusamareeb.

Culimada, Madaxda Dhaqanka iyo Bulshada Huurshe ayaa balanqaaday in ay kasoo qeyb gelayaan shir-waynaha, gacan-buuxdana ku siin-doonaan Guddiga hir-gelinta shirka si xal waara loo gaaro, looguna diyaar garoobo dhismaha Galmudug loo dhanyahay.

Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa socdaalkooda horay ugu soo maray Balanbal iyo Caabuud-waaq, waxaana qorshohoodu yahay in ay maraan dhammaan deegaannada Galmudug si ay bulshada ula wadaagaan casuumaadda gogosha dib-u-heshiisiineed.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close