Wararka
Guddiga KMG ah ee Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka oo Dortay Guddoonka Guddiga.
Guddiga KMG ah ee Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka ayaa Maanta magaalada Muqdisho kulan ay kuyeeshen waxaa ay ku doorteen Guddoonka Guddiga.
Doorashadaan oo aheyd mid qarsoodi ah ayaa waxaa natiijada ku dhawaaqay Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad waxaa uuna sheegay in Guddoomiyaha Guddiga Loo doortay Xildhibaan Cabdullaahi Abukar Xaaji halka Guddoomiye kuxigeenka loodoortay Xil. Maxamed Cumar Caymoy halka Xoghayaha Guddiga loo doortay Xil. Axmex Xaaji Maxamed Taaw.
Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in Guddoonka Guddiga lagu doortay Cod qarsoodi ah, islamarkaana loogu tala galay in ay shaqooyinka loo igmaday dardargaliyaan.
Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in Guddiga ay muhiim u yihiin dalka, islamarkaana ay heystaan Waqti Kooban si ay u soo diyaariyaan Sharciga Doorashooyinka Qaranka.