Wararka
Wasiirka waxbarashada oo daahfuray tababar loo qabtay tababarayaasha macalimiinta
Wasiirka wasaaradda waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre ayaa maanta magaalada muqdisho ee caasimada dalka ka daah-furay tababarka tababarayaasha macallimiinta Qaraanka.
Tababarkaan ayaa socon doona mudo 10 maalin ah iyadoo ay bixin doonaan aqoonyahano qibrad dheer u leh tababarka macallimiinta dugsiyada waxana lagu tababari doonaa macallimiinta manhajka ay diyaarisay wasaaradda waxabarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya.
wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in macallimiinta lagu tababarayo manhajka fasalka koobaad ilaa fasalka sideedaad si manhajka ay diyaarisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya loo gaarsiiyo dalka oo dhan .
“Maanta waxaan furay tababarka tababarayaasha macallimiinta Qaraanka oo ahmiyad gaar ah u leh horumarinta waxbarashada dalka,Manhajka lagu tababarayo macallimiinta waxa uu qeyb weyn ka qaadanayaa tayada waxbarashada soomaaliyeed” ayuu yiri wasiir Godax.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wato ayaa intaa ku daray in tayada waxbarashada ay ka koobanatahay siddex tiir kuwaas oo mid kasta uu muhiimad gaar ah u leeyahay horumarka waxbarashada.
“tayado waxbarashada waxa ay ka koobantahay sadax tiir,oo kala ah tiirka koobaad waa macallinka ,tiirka labaad waa manhajka, balse waa in lahelaa kormeer adag oo hubiya si loo ogaado in manhajkii iyo macallinkii ay si wanaagsan iskula taaba qaadeen, dugsikasta iyo hay,ad kasta waxaa qasab ku ah in Fasalka koobaad ilaa fasalka sideedaad in uu isticmaalo manhajka ay diyaarisay wasaaradda waxbarashada” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyay wasiirka waxbarashada.