Wararka
Sacuudiga oo hakiyay xujeyda Sanadkaan ka soo xajin laheyd Congo.
Boqortooyada Sacuudiga ayaa dadka Congo ka joohisay Fiisaha dalka Ku galka kadib markii ay hay’adda caafimaadka addunka ee WHO ay ka digtay socdaalka dadka reer Congo ee ugu baxaan dalkaasi.
Wasiirka arrimaha dibadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa arbacadii war-qad u diray safaaradda Congo ee Riyadh taas oo ay ku cadeed go’aanka ay Boqortooyada ka qaadatay xujeeyda ka imaan laheed Congo sanadkaa waxaana war-qadaa lagu sheegay in Go’aankaan uu qaatay Sacuudiga kadib markii uu garawsaday in uu ilaaliyo caafimaadka Xujeeyda iyo dadka kale.
Xoujey badan oo reer Congo ah ayaa sanadkaan qorsheystay in ay gutaan waajibka xajka balse ay saameysay go’aanka uu sacuudiga ka qaatay xaalada Congo.
Inkabadan 1,700 oo ruux ayaa cudurkaan u dhinaty ilaa iyo markii uu ka dilaacau dalkaas waxaana jiray in hay’adda Caafimaadka addunka ee WHO ay ku dhawaaqday in bariga dalka Congo ay ka jirta xaalad caafimaad oo deg deg ah.