Wararka

Madaxweyne Farmaajo “Waxaad tihiin halyeeyada aan dooneyno in ay tiir u noqdaan ciidamo hanta amniga dalka”

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa tababar u soo xiray Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo muddo labo sanno ah tababar lagu siinaayay  Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TurkSom.

Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbad ka jeediyay munaasabbadda waxaa uuna  tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku biiraan Ciidamada Qalabka sida.

“Waxaad tihiin halyeeyada aan dooneyno in ay tiir u noqdaan ciidamo hanta amniga dalka, shacabkana ka samata bixiya dhibaatada ay ku hayaan argagixisadu. Si taas loo xaqiijiyo waa in aad ku tilmaamantihiin wadaniyad, dhaqan iyo anshax ciidannimo.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka Turkiga daddaalka ay ku bixiyeen in saraakiishan lagu carbiyo dalka gudihiisa, waxa uuna xusay in xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo iyo saaxiibtinimo.

“Waa maalin taariikhi ah in saraakiishan dhallinyarada ah ay akaadimayad dalkeenna ku taal wax noogu bartaan, arrinkaas cidda kugu garab siin karta waa dowlad walaal iyo saaxiibtinimo qoto dheer ay inaga dhaxeyso. Waxaan uga mahadcelinaynaa Dowladda Turkiga sida ay noogu garab taagan yihiin in aan dib cagaheenna ugu istaagno.”ayuu yiri madaxweynaha dalka.

Munaasabaddan waxaa goobjoog ka ahaa Guddomiyeha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Wasiirka Kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdullaahi Colaad Rooble, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed, Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xooogga Dalka Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed, Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira iyo qaar ka mid ah Diblomaasiyiinta ka hawlgala Soomaaliya.Image may contain: 5 people, people standing and suitImage may contain: 1 person, standing, walking and outdoorImage may contain: 26 people, people standingImage may contain: 26 people, people standingImage may contain: 8 people, people smilingImage may contain: 1 person, sunglassesImage may contain: 1 person, sitting and suitImage may contain: one or more people, crowd, sky and outdoorImage may contain: 4 peopleImage may contain: 1 person, standing, sky and outdoorImage may contain: 11 people, people standingImage may contain: one or more peopleImage may contain: one or more people, people standing and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close