Wararka
Guddoomiye Yarisow oo qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.
Guddoomiyaha iyo Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa iska xogwareystay Amniga, siyaasadda guud ee dalka, horumarinta iyo arrimaha gargaarka.
Guddoomiye Yariisow ayaa sheegay in uu Ergeyga Gaarka ah ee Xoghaya Qaramada Midoobay u Jooga Soomaaliya kala hadlay dardargelinta wadashaqeynta Qaramada Midoobe iyo Maamulka G/Banaadir.
Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa ugu danbeyn Wakiilka ugu warbixiyay horumarka Caasimada Muqdisho waxaa uuna sheegay in Maamulka Gobalka banadir uu la shaqeyn doona Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.