Wararka
Karaash oo Qardho ka furay shirka dib u eegista adeeg bixinta baahsan ee degmooyinka.
Madaxweyne Ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta magaalada Qardho ee xarunta dhaqanka Puntland ka daah-furay Shirka dib u eegista adeeg bixinta baahsan ee degmooyinka, guulaha la gaaray iyo caqabadaha Jira.
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland waxaa kulanka ku wehlinayey , xubno ka tirsan golaha Wasiirada, Agaasimayaasha guud, guddoomiyayaasha degmooyinka, howl wadeeno kale oo ka socday dowladda iyo marti sharaf kale.
Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa ka hadlay muhiimadda shirkaan looga hadlayo horumarinta degmooyinka Puntland.
“Waxaynu halkaan isugu nimid inaynu dib u milicsano howlihii sanadka 2018-2019 ee adeeg bixinta fidsan ee dowlaha hoose, wixii inoo qabsoomay, wixii inaka baaqday, Caqabadaha jira iyo xal u helliddooda iyo hiigsigeena Mustaqbalka”. Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed karaash.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa sheegay inay qabsoomeen howlihii adeeg bixinta ee tijaabada ahaa ee uu ka howlgalo mashruuca JPLG, kaas oo ay iska kaashadaan dowladda Puntland iyo hay’addaha Qaramda Midoobay.
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa gabagabada kulanka waxaa uu kasoo qayb galayaasha ku booriyay inay shirkaan maanta kasoo saaraan Talooyin ku aadan sidii loo gaari lahaa adeeg bixin baahsan oo laga hirgaliyo dhammaan degmooyinka.