Wararka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo Baydhabo ka furay Madasha arrimaha bini’aadninimada dalka.

Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Beydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed waxa uuna halkaas ka furay Madasha arrimaha bini’aadninimada dalka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa furitaanka madasha ka sheegay in ay muhiim tahay in maskaxda ay ka shaqeysiiyaan ka qayb galayaasha madasha, ayna fikirkooda isu geeyaan kana soo saaraan natiijo wax ku ool ah oo ka qayb qaadaneysa hagaajinta xaaladda bini’aadninimo ee dalka.

Wasaaradda arrimaha gargaarka iyo maareynta musiibooyinka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa soo agaasintay Madasha arrimaha bini’aadninimada dalka oo looga hadlayo xaaladda bini’aadninimo ee dalka iyo qorshaha lagu horumarinayo mashaariicda dhanka bini’aadninimada.

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), ayaa goob joog ka ahaa furitaanka munaasabadda Madasha arrimaha bini’aadninimada dalka oo ay ka qayb gelayaan wasiirro ka tirsan xukuumadda, mas’uuliyiin ka socota dowlad gobaleedyada dalka iyo deeq bixiyaasha. 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close