Wararka
Boris Johnson oo noqday Ra’iisal wasaaraha cusub ee Ingiriiska.
Boris Johnson ayaa loo dortay in uu noqdo Ra’iisal wasaaraha cusub ee boqortooyada Ingiriiska kadib markii ay iscasishay Ra’iisal wasaarihii hore ii U.K Therasa May horaantii bishii June.
Boris Johnson oo ka tirsan xisbiga Konsagatifka (Conservative), oo ay hoggaamiya u aheyd Therasa May ayaa waxaa uu horay u soo noqday duqa caasimada London.
92,153 codad ayuu heley ra’isul wasaaraha cusub taa oo sababtay in Jagada ra’isul Wasaarenimo kaga guuleysto wasiirkii arrimaha dibadda ee dalkaasi Jeremy Hunta oo Isna heley codad gaaraya 46,656.
Boris ayaa lagu wadaa in arbacada loo dhaariya Ra’iisal wasaaraha cusub ee dalkaasi uu yeelanaayo.
Ra’iisal wasaarihii hore ee U.K ayaa iyadu xilka ku waysay kadib markii ay ku guul dareeysatay in ay maareyso Go’aankeedi ahaa in Ingiriiska uu ka Go’a yurub inteeda kale waxaa ayna 24-kii bishii May ku dhawaaqday in ay xilka Isaga tagi doonta 7-bishi June.
Ra’iisal wasaaraha Cusub ayaa sheegay in Biriteen ay iskaaka bixi doonta Midoowga yurub xiligii loo asteeyay oo ah 31-ka bisha Octoobar.