Wararka
Kulan looga hadlaayo Tacliinta Sare ee dalalka colaadaha kasoo kabanaya oo maanta Muqdisho lagu qabtay.
Shir Socon Doono Mudo 3 maalmood ah oo looga hadlayo heerka Tacliinta Sare ee dalalka colaadaha kasoo kabanaya ayaa maanta Magaaalada Muqdisho Si Rasmi Ah Uga furmay.
Shirka waxaa lagu casuumay oo ka qaybgalay aqoonyahano, qubarro iyo madax kasocoto Dowlada Dhexe kuwaas oo ay kamid yihiin Xeer ilaaliyaha Qaranka, Wasiir ku xigeenka caafimaadka, Hanti dhowraha Qranka.
wasiirk ku xigeenka caafimaadka xukuumada Federaalka Soomaaliya oo kamid ahaa martida kasoo qayb galay shirka ayaa u mahadceliyay masuuliyiintii soo qaban qaabiyay shirka isagoo amaanay hormarrada kale ee Jaamacadda Umadda iyo wasaaradda WHTS ay Sameynayaaan.
Gudoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Maxamed Axmed Jimcaale ayaa ka hadlay abaabulka iyo taabogelinta Shirweyanaha Saddexaad ee Tacliinta Sare ee bulshooyinka kasoo kabanaya colaadaha Waxa uuna Xusay In Shirkani uu Wax Badan Ka Bedeli Doono Qaabka Hada Lo Wajaho Waxbarashada .
Gabagabadii Waxaa shirka daahfuray wasiirka waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumada federaalka Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre waxaa uuna Tilmaamay in shirkaan ay kasoo Bixi doonaan qodobo muhiim u ah tayeynta Tacliinta Sare.