Wararka
Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo gaaray Magaalada Qardho.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wafti uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Qardho ee xarunta dhaqanka Puntland waxaana halkaa ku soo dhaweeyay Maamulka Gobolka Karkaar iyo Kan Degmada Qardho.
Madaxweyne ku-xigeenka waxaa socdaalka ku wehlinaayo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Puntland iyo masuuliyiin kale.
Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Magaalada Qardho u tagay si uu u daahfuro shir dib loogu eegi doono mashaariicda adeeg baahinta Baahsan ee Dawladda Hoose iyo Dawlada dhexe ay isaga kaashadaan.