Wararka

Wafdi kasocda Beesha caalamka oo Dhuusa-mareeb.

Wafdi isugu jira safiirrada dowladaha saaxiibada la ah Soomaaliya iyo wakiillada hey’adaha caalamiga ayaa maanta Gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka galmudug waxaana halkaa kusoo dhaweeyay  Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre Madaxa Xukumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Wasiirada arimaha Gudaha iyo amniga Dowlada Federalka Soomaaliya Xildhibaano iyo Wasiiro Katirsan Galmudug.

Masuuliyiinta kasocotay beesha caalamka ee maanta gaaray magaalada Dhuusa-mareeb waxaa kamid ah; wakiillada Qarmada Midoobay, Midawga Afrika iyo IGAD, iyo safiirada Midawga Yurub, Qatar, Turky, Ethiopia, Talyaaniga, Norway iyo Kenya.

kulanka ayaa intii uu socday, waxaa diirada lagu saaraya arimaha dib uhishiisiinta Galmudug iyo Xoreynta Deegaanada Galmudug iyodoo ay Mas’uuliyiinta kulanka ka qayb galay ay Ra’iisul Wasaaraha ku bogaadiyay dadaalladiisa dhismaha hey’adaha Galmudug iyo qarameynta ciidamada deegaanka.

Ra’iisal wasaare Khayre ayaa masuuliyiinta uu kulanka la qaatay ugu warbixiyay heerarka kala duwan ee ay soo mareen dadaallada lagu dhisayo Galmudug, waxaa uuna ka codsaday in ay kor u qaadaan taageeradooda iyo garab istaagga Soomaaliya.Image may contain: one or more people, people standing and outdoorImage may contain: 2 people, people smiling, people standing, suit, wedding, beard and outdoorImage may contain: 5 people, people standing, suit, wedding, sky and outdoorImage may contain: 5 people, people smiling, people standing, sky and outdoorImage may contain: 4 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 1 person, smiling, beard, wedding, child and outdoorImage may contain: 1 person, smiling, standing and suitImage may contain: 4 peopleImage may contain: 1 person, sitting and indoorImage may contain: 3 people, indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close