Wararka

Kuuryada Waqooyi oo ay ka bilaawatay doorashada hoggaamiyayaasha caasimadaha Gobolada iyo tan Baarlamanka Gobolada.

Afartii sanaba mar ayaa dalka Kuuryada Waqooyi waxaa ka dhacda doorashada hoggaamiyayaasha caasimadaha Gobolada iyo tan Baarlamanka Gobolada.

Dad badan ayaa sandkaan loo diiwaan galiyay in ay ka qeyb qaataan doorashada waxase xusid mudan in dadkiisa aysan ku jirin muwaadiniinta ku maqan dalxiiska iyo kuwa ka shaqeeya badaha.

Balse sheekada la yaabka leh ayaa waxay tahay in Dadka aaan awoodi karin in ay soo xaadiraan Goobaha codbixinta in ay ka codeyn karaan taleefoonadooda sida laga soo xigtay wakaalada wararka Qaranka ee Kuuryada Waqooyi KCNA.

Hoggaamiyaha Kuuryada Waqooyi, Kim Jong Un ayaa axadii booqday mid kamida goobahabay codbixinta ka socota oo ku taala Waqooyiga Gobolka Hamgyong waxaa uuna halkaa ugu codeeyay laba murashax oo u sharaxan Barlaamanka Gobalkaas waxaana lagu kala magacaabaa Ju Song Ho iyo Jong Song .

Taratanka ayaa ah mid Natiijadiisa hada Lasii saadaalin karo maadaam Xisbiga hanti Wadaaga ah ee Talada Dalkaasi haya aan Jirin Xisbi kale oo la tartamayo.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close