Wararka

Puntland oo dowlada dhexe ku eedeysay in ay ku howlantahay Burburinta dowlad Goboleedyada xubinta ka  ah..

War-Saxaafadeed kasoo baxay dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa Eedeyn loogu jeediyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya taas oo ku saabsan in dowladda Federaalka ku howlan tahay burburinta dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah dowlada dhexe.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid C/lahi Deni ayaa lagu sheegay in Puntland ay aad uga walaacsan tahay habdhaqanka hoggaamineed ee Madaxda dowladda Federaalka kaas oo si cad uga hor-imaanaya geedi-socodka iyo horumarka dalka.

War-saxaafadeedka ayaa waxaa dowlada dhexe loogu baaqay in ay joojiso faragelinta ay ku hayaan doorashooyinka dowlad Goboleedyada, Galmudug iyo Jubbaland.

Ugu danbeyn dowlad Goboleedka Puntand ayaa shacbka reer Puntland ugu baaqday in ay illaalsadaan dowladnimadooda iyo wadajirkooda.

Hoos ka akhriso qoraalka kasoo baxay Xafiiska madaxweynaaha dowlad Goboleedka Puntland.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close